Ciidamada Ethoipia iyo kuwa Dowlada Soomaliya oo Isaga Baxay Deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool  ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Ethoipia iyo kuwa dowlada soomaliya ay isaga baxeen deegaanka Garasweyne ee Gobolkaas.

Ciidamada Ethopia oo wata Gaadiidka  dagaalka Noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay ka baxeen deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool iyagoo u jiheystay deegaano kale oo ka Tirsan Gobolka Bakool.

Dhanka kale Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa durbadiiba la wareegay deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool Mas’uuliyiin ka Tirsan Al-shaabaab ayaa Qudbado u jeediyay Shacabka deegaanka Garasweyne ee Gobolkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here