Bedzimba:- “Salim Hanjari Waxa uu ahaa Sarkaal ka Tirsan Dawlad Deegaanka Mombasa kama Mid Aheyn Al-shabaab”,

0

Xildhibaan ka Tirsan Golaha deegaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya  oo lagu magacaabo Kisauni Rashid Bedzimba ayaa beeniyay in nin ay qaraabo yihiin uu kamid ahaa labo nin oo lagu dilay Magaalada Mombasa.

Salim Abdhal iyo Salim Omar ayaa lagu dilay hawlgal iyadoo la sheegay in guriga ay joogeena hub laga soo saaray  sida laamaha Amaanka Magaalada Mombasa ay warbaahinta u sheegeen.

Bedzimba ayaa yiri “Salim Hanjari waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan dawlad deegaanka Mombasa islamarkaana aysan jirin xiriir uu la leeyahay Al-shabaab , wararka sidaas sheegaya waa kuma been abuur ah”,

Guddoomiyaha Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Hassan Joho ayaa si xoogan u cambaareeyay dilka isagoo ku eedeeyay dowladda in ay ugu soo gabaneeso dilka Muslimiinta magaca la dagaallanka argagixisada.

Joho ayaa ku hanjabay in ay u horseedi doonaan mudaharaadyo ka dhan ah dilka sharciga ka baxsan ee Mombasa isagoo dalbaday in jawaabaha ku habboon dawladda kaso bixiso .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here