Kenya oo Mareykanka Kala Hadashay Sidii Loogu Qeyb Qaadan Lahaa Dib u Dhiska Ciidamada XDS

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Kenya kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield  ay kala hadlay sidii dowlada Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd  dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay al-shabaab dalka ugu saaraan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay sii korartay qatarta Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee Amisom  oo dowlada ka caawinaysa dhanka Nabada soo celinta.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee  Amisom ee ka socda wadamo badan oo qaarada afrika ku yaala.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Linda Thomas ayaa lagu xusay in Kenya ay ku boorrineyso dalalka uu Mareykanka kamid yahay in ay xoojiyaan dadaalka dhismaha ciidamada booliiska iyo kuwa militariga ee Somaliya si ay gacan buuxda ugu qabtaan nabadda dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here