Guddiga Arrrimaha Dibadda Baarlamanka Soomaliya oo Kasoo Horjeystay Go’aanka Dowlada Dalka Ugu Saartay Hay’adda Nile Academy

0

Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa kasoo horjeystay Go’aanka ay dowlada Soomaliya dalka ugu saartay Hay’adda Nile Academy ee dalka Turky-ga laga leeyahay.

Xildhibaan  Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Soomaliya Federalka Soomaliya  oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in uu ahaa Go’aan lagu deg degay in dalka laga saaro Hay’ada Nile Academy  oo maamulaysay Goobo waxbarashada, iyo Caafimaad.

Xildhibaan Dalxa Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Soomaliya Federaalka Soomaliya  ayaa sheegay in heshiiska dalka ay ku yimaadeen Hay’adaha dalka Turky-ga uu ahaa in dalka ay maalgashi ku sameystaan hadii ay dhibaato geystaan lagala xisaabtamo dowladooda.

Go’aanka ay dowlada Soomaliya dalka ugu saartay Hay’adda Nile Academy ayaa kusoo beegmay kadib markii dowlada Turky-ga ay sheegtay In Mas’uulka iska leh Hay’adda uu ahaa maskaxdii ka dambeysay Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here