Ururka ONLF war kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in uu dhintay Xoghayahoodii Gaashaanshigga uuna ku dhintay iska horimaad maalintii Isniinta ee toddobaadkan ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta.
Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF, oo lagu macagaabo Caddaani Hirmooge ayaa VOA u sheegay in xoghayaha la dilay oo lagu magacaabo Sheekh Deeq Maxamed ay la dhinteen laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF, kadib dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta.
Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta lagu dilay dagaal ay si wadajir ah ugu qeyb qaateen Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada Soomaliya oo Tabababar kusoo qaatay Gudaha dalka Ethoipia.
Warar kaloo soo baxaya ayaa ku waramaya n xubin kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ONLF ay Maamulka Ahlusuna Wal-Jamaaca ay ku qabteen magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kadibna ninkaasi loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.
Xubnahan ka tirsan ONLF ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayna wateen baabuur kaasi oo cilladi ka gashay ka hor intii aan iska horimaadku dhicin.

