Taliyaha Cusub ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Generaal Subagle oo Muqdisho soo Gaaray+Sawirro

0

Taliyaha cusub eae ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee Soomaliya Jeneral Cismaan Nuur Subagle, u dhashay wadanka Jabuuti ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaliya.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa kulamo la qaatay markuu soo gaaray Magaalada Muqdisho Danjire Francisco Caetano Madeira, Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, wuxuu kala hadlay isbedelka cusub ee hogaanka Ciidanka isagoo sheegay in isbedelkan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka Amisom.

“Jeneraal ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka Amisom dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeena. Hadda fikradda howgalka waxay gashay xooga hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yahay.” Ayuu yiri danjire Madeira.

Jeneral Cismaan Nuur Subagle ayaa madax u ahaa Ciidamada wadanka Jabuuti ka socda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee ka Howlgala Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dhulka Soomaliya.

Danjire Francisco Caetano Madeira, Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee soomaliya  Jeneral Cismaan Nuur Subagle in uu ku guuleysto Shaqada loosoo Magacaabay.

1468911782c9032 146891178389cc8 14689117835041b 146891178462955

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here