Magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July, ka socday magaaladaas.
Shirka waxaa ka qeyb galay Hogaamiyayaasha dalalka Suudaan, Masar, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia. kuwaasi oo ka dooday arrimaha badan oo qaarada afrika ku saabsan.
Shir Madaxeedka ayaa intaanu soo xirmin waxaa uu isku raacay in dib loo dhigo doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika. Madaxda Afrika ayaa isku afgartey in doorashada ay bisha January ka dhacdo magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Shirka Dowlada Soomaliya u Matalayay ayaa ka jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay arrimaha Soomaliya, dhinacyada amniga, hormarka, iyo Doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Howlgalka Amisom ee soomaliya ka socda Hogaamiyaasha ayaa isku raacay mar kale in Ciidamada Amisom in soomaliya laga saaro sanadkan 2020-ka kahorna la diyaariyo Ciidamada Dowlada Soomaliya si ay ula wareegaan saldhigyada ay ka bixi doonaan Ciidamada Amisom.

