Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya ayaa maanta deeq raashiin ah ku wareejisay maamulada Gobolka Banaadir, Koofur galbeed iyo Ehelada dhibbanayaasha saxaafadda Soomaaliyeed.
Goobta lagu wareejinaayay deeqda raashinka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya, Mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Deeqdan oo isugu jirta Bur iyo Sokor ayay dowladda federaalka Soomaaliya ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka tabaalaysan ee ku kala nool degaannada koofur galbeed Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo ehelada wariyeyaashii Sanadihii dambe lagu dilay Gudaha Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaliya.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ugu horrayn kaga mahad celiyay dowladda Turkiga oo ay deeqdani ka timid,
Agaasimaha guud wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) oo wakiil ka ahaa wariyaashi dhintay iyo kuwii dhaawacmay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la la taakuleeyo Suxufiyiinta.









