Amisom:- “Waan Baareynaa in Ciidamadeena ay Si Bareer ah u Dileen Dad Shacab ahaa”,

0

Qaraal kooban oo kasoo baxay Amisom oo lasoo dhigay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameynayo eedeynta ku saabsan in ciidamada Ethoipia ee qeybta ka ah  Howlgalka Amisom ay dad shacab ah ku dileen Gobolka Baay.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliska uu soo gaaray eedeynta ku aadan In Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom in si bareer ah u dileen 14-ruux oo isugu jira odoyaal dhaqameed, dad shacab ah oo ku sugnaa Xaafada ay ka soctay kulan duco ah oo ku taala Deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magaalada  Baydhaba ee Gobalka Baay .

Amisom waxa ay sheegtay in arintaan ay timid kadib markii Ciidamada Amisom oo Howlgal sameenayay ay iska caabin  kala kuleem Ciidamada Al-shabaab taasina ay dhalisay in ay ku dhintaan 14-ka ruux oo shalay lagu aasay Deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magaalada  Baydhaba ee Gobalka Baay .

Dhowr jeer oo hore Ciidamada Amisom waxa ay si barer ah u dileen dad shacab ahaa iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay arrimahaas marka laga soo tago kaliyah Cambaareen maalmo kooban socota oo loo jeedinayay Amisom.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here