Shir Looga Hadlaayo Xiriirka Maaliyadeed Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo Dowlad Goboleedka oo Nairobi ka Furmay+Sawirro

0

Magaalada Nairobi ee Caasimada  dalka Kenya waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlaayo xiriirka maaliyadeed ee wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa socon doona Muddo  toddobaad ah waxaana ka qeyb galaya  Guddiyo ka kala socda wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur-galbeed iyo khuburro dhinaca maaliyadda ah.

Isku duwaha mashruuca dib u habeynta maaliyadda dalka, Farxaan Cali Maxamuud (Cali Gaban) ayaa u sheegay warbaahinta in shirka uu ku saabsan yahay sidii ay dowladda iyo maamullada u wadaagi lahaayeen nidaam loo dhan yahay oo maaliyadeed, fulinta shuruucda canshuuraha, xisaabaha iyo maareynta deymaha.

Bankiga aduunka ayaa dhawaan balan qaaday in uu bixin doono lacag gaareysa  $200 oo milyan oo loogu talagalay Mashruuca dib u habeynta Maaliyadda Soomaliya.

maaliyada3 maaliyada5 maaliyada6 maaliyada7 maaliyada8 maliya1 maliyada2 maliyada4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here