Magaalada Baton Rouge ee Gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, wararka ka imaanaya ayaa ku waramaya in labo ka Tirsan ciidamada Mareykanka in lagu dilay magaaladaas.
Nin qori ku hubeysnaa, ayaa rasaas oodda kaga qaaday Saraakiisha Booliska Mareykanka waxaana la xaqiijiyay geerida laba Sarkaal iyo dhaawaca shan kale.
Afhayeen u hadlay Booliska Baton Rouge, ayaa waxaa uu sheegay in ay socoto hawlgal lagu baadigoobaayo dembiilaha, kaasoo aanay kala cadayn waxa uu yahay.
Todobaadkaan Gudihiisa Magaalada Baton Rouge ee Gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka waxaa lagu dilay madowga Mareykanka ahaa, markii ay toogteen Ciidamada Booliska, waxayna noqotay Magaalo ay isku u gaarsadaan madowga iyo caddaanka Mareykanka.




