Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa ka tacsiyadeeyay Geeri naxdin leh ee ku timid labo Wasiiru-Dowle oo katirsanaa Maamulka Galmudug iyo Nabadoon caan ka ahaa Deegaanada Galmudug, oo xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka seddex Higlo ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Mudane Cali Gacal Casir Golaha Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in ay aad kaga naxeen markii lagu soo wargaliyay geerida Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Galmudug Baashe Magan, Wasiiru-dawlaha hawlaha Guud, Aways Cali Siciid Horeyna usoo noqday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug iyo Nabadoon Cabdulaahi Yusuf Guuleed(Digsi)
”Geeridu Waa Xaq waxaan halkan Tacsi uga dirayaa aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Maamulka Galmudug Wasiiradii iyo Nabadoonkii ku geeriyooday shilkii gaari ee ka dhacay Gobolka Mudug, waxaan ilaah uga baryeynaa in Janadii Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ilaah ka siiyo eheladooda.” Ayuu Yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

