Dadka Soomaalida ee ku Nool Wadanka Turky-ga ayaa Walwal ka Qaba Sameentii ka dhalatay Afganbigii Dhicisoobay ee la Doonayey in Talada looga Tuuro Dowlada Madaxweyne Ordugan.
Soomaalida Dalka Turkiga oo ay ka mid Yihiin Arday Deeq waxbarasho oo ay Sii say Dowlada Turkiga looga qaaday Soomaaliya Islamaakaan Wax ka barta Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare Wadanka Turkig ayaa Sheegay inay ka walwalsan yihiin Dhibaatooyin ay kala kulmaan Dhinacyada Wadanka Turkiga Dowlada iyo Mucaarka Militariga oo ka Fashilmay Inqilaabku.
Mid kamid ah Ardayda wax ka barta Jaamacadaha Dalka Turkiga oo la hadlay Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa Walaac ka Muujiyey in dadka ka soo horjeeda Dowlada ay beegsadaan Ajaaniibta ku sugan dalkaasi oo Soomaali badan ay ku jirto.
Afganbiga Dhicisoobay ee ay Sameeyeen Ciidamada Militariga dalka Turkiga ayaa Noqday mid Jaah-wareer Badan ku abuuray Dadka Reer Turki iyo Wadamada Saaxiibka la ah oo Soomaaliy ay ugu Horeyso.

