Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Xarakada A-shabaab ay la wareegeen Degaanada Camaara iyo Korodhi ee Koofurta Gobolka Mudug.
Dad ku sugan deeganada ay al-shabaab la wareegeen ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada la wareegay deegaankada Camaara iyo Korodhi ee Koofurta Gobolka Mudug ay wateen gaadiid dagaal oo aad u fara badan islamarkana uusan jirin dagaal ka dhacay.
Dhanka kale Mas’uuliyiin Maamulka Galmudug ayaa kulan deg deg ah waxa ay haatan ka yeelanayaan la wareegitaanka Ciidamada Al-shabaab Degaanada Camaara iyo Korodhi ee Koofurta Gobolka Mudug oo hoos yimaada Maamulka Galmudug.

