Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee ku waramaya in Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Seddex Higlo ee duleedka Magaalada Gaalkacyo, xilli masuuliyiintaan ay ka amba baxeen Magaalada Cadaado , isla-markaana ay ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Jaamac Faarax, Gudoomiyaha deegaanka Saddex Higlo oo xaqiijiyay geerida masuuliyiintan, ayaa sidoo kale sheegay inay la dhinteen laba xubnood oo kale, kuwaa oo uu ku kala sheegay Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay Wasiirada geeriyoooday,
Guud ahaan Mas’uuliyiinta Geeriyootay ayaa kala ah Wasiiru Dowlihii Wasaarada Maamulka Galmudug, Cali Baashi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid, haatana ahaa Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Nabadoon C/laahi Yuusuf Gulleed (Digsi) darawal gaarida waday iyo askari ilaalo u ahaa,

