Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Cambaareeyay Isku daygii Afgembi ee ka Dhacay Dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Soooomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Cambaareeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay dalka Turkiga gelinkii dambe ee shalay kadib markii saraakiil militariga ka tirsan ay isku dayeen in ay qalqal geliyaan xasiloonida iyo dimuqraadiyada dalka Turkiga.

“Waa wax aan la aqbalikarin in dib looga celsho wada dimuquraadiyada dadka turkiga taas oo ay ku raaxaysanayeen waqtiyadii u dambeeyay, waa arrin nasiibdaro ah laakin waxaa wax lagu farxo ah in la maqlo in xoogagii sharwadayaasha ahaa kuwaasoo isku dayayay in ay wadanka xasiloonidaro ka abuuraan laga guulaystay”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somalia ay si buuxda u taageersantahay madaxweyna dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan ayna ku baaqaynso in kala dambaynta dastuuriga ah iyo nidaamka Dimuquradiga ah in la xushmeeyo.

Ugu dambayntii hadalkaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaliya ayaa loogu rajeeyay dadka iyo hogaamiyaasha turkiga in ay kusii raaxaystaan midnimada, nabada, xasiloonida iyo barwaaqada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here