Iskuday Afgambi oo ka Dhacay Dalka Turky-ga(Daawo Sawirrada)

0

Malatariga dalka Turky-ga ayaa sameeyay isku day ay ku doonayeen in ay ku afgambiyaan Dowlada uu hogaamiyo Recep Tayyip Erdoğan.

Taangiyo waa weyn ayaa lagu jaray wadooyinka gala garoomada diyaaradaha ee Istanbul iyo Ankara ee dalka turkey-ga waxaa sidoo  rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Istanbul iyo buundada Bosphorus.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qaraxyo culus laga maqlay caasimadda Ankara, iyo in diyaarad helicopter ah ay gantaal ku dhufatay dhismaha telefishinka qaranka.

Telefishinka CNN iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu badqabo, balse ma aanay sheegin halka uu ku sugan yahay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Dhanka kale Recep Tayyip Erdoğan Madaxweynaha dalka turkey-ga ayaa sheegay in isku-dayga ay ka dambeeyaan koox yar oo ka tirsan milateriga, isla markaana aanay guuleysan doonin.

 

365324C800000578-3692693-image-a-81_1468626299464 365306E300000578-3692693-image-a-45_1468621782697 36535FC400000578-3692693-image-m-105_1468632484282 36535C6300000578-3692693-image-a-21_1468638303246 36533E8100000578-3692693-image-a-97_1468628349487 36530A3100000578-3692693-image-a-53_1468622350968 36530B5F00000578-3692693-image-a-55_1468623201661 36531CD300000578-3692693-image-a-67_1468624408830 36532A1F00000578-3692693-image-a-79_1468625707403 36533BED00000578-3692693-image-a-8_1468637909322 36533C0D00000578-3692693-image-a-99_1468628384798 36528C8B00000578-3692693-image-a-39_1468621309423 36525A8C00000578-3692693-image-a-96_1468615344744 3653AB8700000578-3692693-image-a-1_1468637136939 3653AB3B00000578-3692693-image-a-3_1468637144769

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here