Afar Ruux oo Lala Xiriirinaayo Weerarkii Magaalada Nice ee Dalka Faransiiska oo Xabsiga La Dhigay

0

Booliska dalka Faransiiska ayaa xabsiga dhigay 4-qof oo lala xiriirinaayo weerarkii ka dhacay Magaalada Nice ee dalka France kaasi oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo la jiirsiiyay dad shacab ahaa oo u dabaaldagayay Bastille Day.

Laamaha amaanka Faransiiska ayaa sheegay in afarta ruux ee gacanta lagu dhigay   seddex ruux oo kamid ah laga qabtay Magaalada Nice  kadib markii ay baaritaano ay sameeyeen Laamaha amaanka France.

Qabashadan ragaan lala xiriirinaayo in ay ka qeyb ka ahaayeen abaalbulkii weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay magaalada Nice ayaa  imaanaysa xili Kooxda Islaamiga ee Daacish ay sheegatay Mas’uuliyada weerarka.

Mohamed Lahouaiej  oo ah muwaadin u dhashay dalka France balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunusia ayaa ka dambeeyay weerarkaas gaariga lagu jiirsiiyay dadka ku sugnaa Magaalada Nice inta la xaqiijiyay 84-ruux ayaa ku dhimtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here