Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay eedeen kaga Timid Galmudug oo ahayd inay qabteen darees ciidan oo kasoo dagay Dekadda Magaalada Boosaaso kaas oo ku socday Degmada Xarardheere oo Alshabaab ka arimiso.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in in hadalka Galmudug kasoo yeeray uu yahay mid waxba kama jiraan ah islamarkaana aysan jirin hub uo darees ciidan oo kasoo dagay Magaalada Boosaaso oo loo waday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
”Dadka Reer Puntland iyo Ciidamadooda ilaa 1992-dii ayay la dagaalameen kuwa kusoo duulay dhulka deegaanka Puntland dagaalkii ma joogsan wali” Ayuu yiri Taliyaha Qaybta G Bari.
Hadalka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa kusoo beegamaya xili shalay Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Booliska Galmudug ay qabteen dhar ciidan iyo hub la sheegay in uu ku wajahnaa Degmada Xarardheere oo Al-shabaab uu ka arimiyo.

