Wararka ka imaanaya Gobolka Galguud gaar ahaan Degaanka Mareergur ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan ahlusuna waljamaaca in uu deegaanka ka dhacay.
Dagaal ka dhacay Degaanka Mareergur ayaa la tilmaamayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray ciidamada kawada tirsan ahlusuna waljamaaca.
Dad ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen ahlusuna ayaa sheegay in deegaanka laga dareemayo saameynta dagaalka dhexmaray ciidamada kawada tirsan ahlusuna.
Degaanka Mareergur oo ku yaala inta u dhexeysa Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa waxaa Maamula Ahlusunna Waljamaaca, lama ogo wali waxa uu Salka ku hayo Dagaalka dhexmaray Ciidamadaasi.

