Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta dood kulul ka yeeshtay hanaanka doorasho ee dalka, oo uu dhawaan baarlamaanka horgeeyay Raisul wasaaraha Soomaaliya, mudane cumar C/rashiid Cali sharmarke.
Kulankii maanta waxa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari iyadoo xildhibaanada ay saacada badan ka doodayeen hanaanka doorasho ee dalka iyo sida loo wajahaayo.
ilaa iyo 30 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka soomaliya ayaa maanta aragtidooda dhiibtay waxa ay qaarkood soo jeediyeen in barnaamijka doorashada dib loogu celiyo Xukuumadda oo ay u soo sameyso jadwal, halka qaar kale oo ka mid ah Xildhibaananda ay soo jeediyeen in arrintan loo saaro guddi ka tirsan baarlamaanka oo soo saxo qoraalka, kadibna golaha loogu soo celiyo.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jaraari ayaa macneeyay hadal dadka qaarkii ay si qalad ah u fasirteen, kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa in Xilliga doorashada labo bil ka hor jiritaanka baarlamaanka la soo afmeero.

