Hay’ad Human Rights Watch warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in wariyaasha Somaliyeed ay ku nool yihiin cabsi,caga jugleyn , hanjabaad iyo beegsi joogta ah.
Human Rights Watch waxa ay tilmaamtay in dhibaatooyinka wariyaasha ay kala kulmaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo dowladda Somaliya ay sii kordhayso isla markaana ay jiraan wariyaal dhibaatooyin kala duwan ay kasoo gaartay arintaas.
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeeda uu yahay dalka Ingiriiska waxay wareysatay sida ay sheegtay ,Tifaftirayaal, iyo Agaasimayaasha Warbaahinta gaar ahaan koonfurta, bartamaha Somaliya iyo Puntland . Tan iyo 2014 , 10 wariye ayaa la dilay 6 kana waa la dhaawacay ,halka daraasiin kale lagu xiray sharci daro.
Hay’ada waxa ay dowlada soomaliya ugu baaqday in ay arintaan wax ka qabato si looo yareeyo dhibaatooyinka ay la kulmaan wariyaasha soomaliyeed xili maalinba bari ah loo dabaal dagaayo maalinta xoriyadda Saxaafada.

