Saraakiisha Ciidamada dowlada soomaliya ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliyaha qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Maxamuud Saney, ayaa wuxuu xaqiijiyay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe in looga dilay sideed askari.
Ciidamo ka tirsan al-shabaab ayaa weerar jihoooyin kala duwan ka yimid waxa ay saakay aroortii ku qaadeen deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Waxayna ugu dambeen ay la wareegeen deegaanka oo shalay ay qabsadeen ciidamada dowlada soomaliya.
Taliyaha oo wareysi siiyay Laanta afka soomaliga ee VOA, ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen 12 ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in Shabaabku ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Dhanka kale Taliyaha qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Maxamuud Saney ayaa ku eedeeyay ciidamada amisom in aysan usoo gurmanin ciidamada dowlada soomaliya oo saakay dagaal la galay kuwa al-shabaab.
Warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in 36-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya in lagu dilay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

