Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia.
Arrimaha ugu weyn uu Madaxweynaha Galmudug u gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia, ayaa lagu sheegay sidii dowlada Ethopia uu kala hadli lahaa dhibaatooyinka ay ciidamada Liyuu boolis ku hayaan shacabka ku nool xadka uu Gobolka Galgaduud uu la wadaago ismaamulka Soomalida Ethopia.
Dhanka kale Nabadoonada maamulka Galmudug oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ga Galmudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay taalabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
Ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka soomalida Ethopia ayaa dhibaatooyin ka geystay maalmihii dambe deegaanka Dacdheer ee Gobolka Galgaduud waxaa arintaas si weyn u cambaareeyay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

