Dhageyso:- Masaajid ku yaala Deegaanka Tareedishe  ee duleedka Muqdisho  oo dumay

0

Wararka ka imaanaya  deegaanka Tareedishe  ee duleedka Muqdisho, ayaa sheegaya in Duhurnimadii maanta uu  dumay masaajid ku yaala deegaankaas xili dayactir lagu waday.

Inta la xaqiijiyey tira dad ah ayaa ku dhaawacantay iyadoo wali la raadinaayo dad kale oo la sheegay in ay suuragal tahay in ay ku hoos jiraan burburka ka dhashay Masjidka Maanta dumay sida uu Radio Simba u xaqiijiyay Gudoomiyaha Deegaanada Garas-baaleey iyo Tareedisho  ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Cali Maxamed.

Dhacdaan ayaa ka dhacday xaafada Macaani ee duleedka Muqdisho waxaana haatan lagu howlan yahay  sidii loo soo bixin lahaa dad la sheegay in ay kusoo jiraan dhimasha soo dumay.

Gudoomiyaha Deegaanada Garas-baaleey iyo Tareedisho  ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Cali Maxamed ayaa waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa in goobta ay gaareen Xubno ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil dhanka Amniga ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,walina ay socoto howsha gurmadka.

Imaamka Masjiddu Al-Raxma ee xaafadda Garasbaaleey Maxamed Xaashi oo la hadlay warbaahintaayaa sheegay in masjidka ay ka socotay howlo dib u dayactir ah, isla markaana aan maalmahan lagu tukan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here