Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya oo kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Emirate-ka Carabta

0

Wasiirka arrimaha Dibada Soomaliya C/salaam  Hadliye Cumar oo maalmihii dambe ku sugnaa Emirate-ka Carabta, ayaa kulan la qaatay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta Abadalla Bin Zayid Al Nahyan.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay intuu kulanka socday xaaladda  Siyaasadeed  ee Soomaaliya, hormarka ay sameeysey xukuumadda soomaliya, xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah  ee  ka dhaxeeya  dalka Soomaliya iyo imaaraadka carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta Abadalla Bin Zayid Al Nahyan. ayaa sheegay in dowada soomaliya ay ka caawin doonaan dhinacyo badan sida dhib u dhiska dalka iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka soomaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay Magaalada Abu dhabi, ee dalka isu-taga imaaraadka Carabta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Danjiraha   Jamhuuriyadda Somaliya  u fadhiya dalkaasi C/qaadir Sheekhey Maxamed.

1461853097a874d 14618530946bb02 146185309609d91 14618530954508b

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here