Soomaali ka Soo Laabatay Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya +Sawirro

0

Magaalada  kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa soo gaaray 79 qof oo qaxooti ku ahaa sanadihii dambe  dalka Kenya, kana soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Marki ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa halkaasi kusoo dhoweeyey Gudoomiye ku­xigeenka Hay’adda dib u dejinta barakacayaasha Maamulka Jubbaland iyo xubno ka socday maamulka gobolka Jubbada Hoose.

Qaar kamid ah dadkii Kasoo laabtay  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ay dalkooda dib ugu soo laabtaan kadib markii ay ka carareen soomaliya kadib dagaaladii sokooyee ee dalka ka dhacay.

Dowlada Kenya, Hay’ada WFP  iyo dowlada soomaliya ayaa dhawaan ku heshiiyay in dib loo soo celiyo soomalida qaxootiga ku ah Gudaha dalka Kenya magaalada Kismaayo ayaa kamid ah meelaha dib u dejinta loogu sameeyay dadka soo laabanaya dalka Kenya.

IMG_3232 IMG_3234 IMG_3271 IMG_3274 IMG_3279 IMG_3280 IMG_3282 IMG_3283 IMG_3287

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here