Hooyo Uur leheyd iyo Wiil ay Dhashay oo ku Dhintay Baraag ay ku Dhex Dhaceen

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal gaar ahaan tuulo la yiraahdo  Jalam  ayaa sheegaya in hooyo uur leheyd iyo wiil ay dhashay in ay ku dhaceen baraag biyaha laga cabo oo ku taalo tuuladaas.

Dhacdaan ayaa dhacday kadib markii Roobab xoogan 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka da’een deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, ee maamulka Puntland  waxaana ka dhashay Roobabkaasi daadad xoogan. Oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Xoghayihii hore ee Degmada Burtinle ee maamulka Puntland Xaafid Cabdi risaaq oo warbaahinta deegaanada maamulka Puntland u waramay ayaa xaqiijiyay geerida Hooyada iyo Wiilka yar ee ay dhashay.

Dhanka kale Meydka Hooyada uurka laheyd iyo Wiilka yar ee ay dhashay ayaa waxaa laga soo saaray Baraagtaasi, waxaana isla maanta lagu aasay Tuulada Jalam. Ee Gobolka Nugaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here