Midowga Yurub oo Sharaxaad ka Bixiyay Sababihii ay u jareen Dhaqaalihii ay Siin jireen Amisom

0

Ururka Midowga Yurub oo dhawaan ku dhawaaqay in uu jaray 20% Dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Howlgalka Amisom. Ayaa ururka waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababihii  uu dhaqaalahaas u jaray.

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya Michele Chevvone ayaa sheegay sababta ciidamada Amisom looga jirtay Dhaqaalahaasi inay tahay in Midowga Yurub uu u weeciyay qarashkaasi meelo kale oo Somaliya ka mid ah.

Michele Chevvone  ayaa tilmaamay in aan si kale  loo fasirin lacagaha laga jaray Amisom balse lacagaas loo weeciyay meelo kale  oo soomaliya ah midowga yurub ayaa soomaliya siiya sanad kasta 200 million oo Dollar,

“Iskaashigeenna weli waa wanaagsan yahay. Waxaana naga go’an inaan taageerno Amisom iyo in lala dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Michele Chevvone  .

Dhawaan ayay aheyd markii Midowga Yurub uu ku dhawaaqay  in uu jaray 20% Dhaqaalihii uu ku taageeri jiray  Howlgalka Amisom. Taliska amisom ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada  lacagahaas lagu jaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here