Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda totenham Dele Alli ayaa u muuqda mid wajahaayo Ganaax 3-kulan ah kadib markii uu qaladaad sameeyay kulankii ay xalay barbaraha la galeen kooxda West Brom.
Dele Alli ayaa markii dib loo daawaday ciyaarta lagu arkay isagoo waxyaabo aan wanaagsaneen kula dhaqaaqaya xidiga qadka dhexe ee kooxda West Brom. Claudio Yacob.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska oo dhawaan ku guuleystay laacibka ugu wanaagsan dhanka ciyaartooda yar yar ee ingiriiska ayaa haatan wajahaya 3-kulan oo ganaax ah ilaa laga gaarayo saacada marka ay tahay 6pm April 27

