Daacish:- Weerarkii ugu Horeeyay Ayaan ka Fulinay Soomaliya

0

War kasoo baxay ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo syria ayaa lagu sheegay in weerarkii ugu horeeyay ay ka gaysteen dalka Somaliya, isla-markaana ay la beegsadeen kolonyo ay leeyihiin Ciidanka Amisom.

Ururka waxa uu sheegay in qarax miino ay ku buburiyeen gaari ay la socdeen kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga africa ee amisom xili ay  maanta marayeen deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa warbaahinta sheegay inuu jiray isku day weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13 balse uu qaraxu dhacay kadib markii ay gudbeen gawaarida ciidamada AMISOM, islamarkaana aan wax khasaare ah soo gaadhin gaadiidka iyo askarta AMISOM.

Dhawaan ayay aheyd markii garab ka tirsan Xarakada al-shabaab uu ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda daacish ee ku xoogan dalalka syria iyo ciraaq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here