Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in aysan garaneenin meel ay kaga dacwoodaan ciidamada Amisom oo dhibaatooyin kala duwan ka haya shacabka soomaliyeed.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in ay diiwaan galiyeen dhibaatooyin badan ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka soomaliyeed balse aysan garaneenin meel ay kaga dacwoodaan ciidamada Amisom.
Shalay ciidamada Amisom waxa ay Isgoyska KM4 ku jiireen gaadiidkooda nin Oday ahaa kaasi oo maraayay wadada, waxaana Amisom ay isku dayday inay ka cararto ninkaasi, balse qaar ka tirsan Bulshada ayaa isku horgooyay gaadiidka Amisom.
Bishaan Gudaheeda ciidamada amisom ayaa deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen 4-ruux oo gabar 14-sano ah ay ku jirtay saraakiisha amisom ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan falalkaas.

