Xaalada Deegaanka Dacdheere ee Gobolka Galgaduud oo Saakay Dagan

0

Xaalad daganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka dacdheere ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay kuwada dagalaameen ciidamada ismaamulka soomalida Ethopia iyo dadka deegaanka.

Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in uu soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka dacdheere ee Gobolka Galgaduud sida ay idaacada simba ee Magaalada muqdisho u sheegeen dad ku sugan deegaanka.

Dagaalkii shalay bilowday ayaa soo gaaray galabnimadii shalay waxaa saakay deegaanka xaaladiisa ay tahay mid aad u dagan waxaa wali is horfadhiyaha labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay deegaanka.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan ismaamulka Somalida Ethopia ayaa maamulka Galmudug ku eedeeyay in ay soo abaabulayaan ciidamo kala duwan si ay ula wareegaan xadka dowlada Ethopia ay kala wadaagto Gobolka Galgaduud.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka dacdheere ee Gobolka Galgaduud EE Bartaha dhulka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here