Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Ankara ee xarunta turky-ga waxa uu kula kulmay wasiirka Gaashaandhiga dalka Turky-ga.
Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay sidii dowlada Turky-ga ay ugu qeyb qaadan laheyd dib u dhiska xarunta Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya, sidoo kale labada mas’uul ayaa kawada hadlay xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya oo dhawr mar laga qabtay hub sharci daro ah oo dowlada soomaliya sheegtay in uu u socday xarakada al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen ayaa sheegay in dowlada Turky-ga ay soomaliya u balan qaaday in la dhiso ciidamada badda Soomaliya oona loo dhameeystiro qalabkooda.
Dhanka kale Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada Xoogga dalka ee Soomaaliya.
Dowlada Turky-ga ayaa kamid ah dowladaha inta badan taageera dowlada dhexe ee soomaliya

