Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku leeyihiin Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya.
Mudanayaasha ayaa ka doodi doona kulanka intuu socdo mooshin ku saabsan dhismaha Maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, sharciga argagixisada, iyo sharciga axsaabta dalka.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya ayaa kulan dhawaan ay yeeshteen waxa ay guddoonka sare ee baarlamanka soomaliya u gudbiyeen mooshin ka dhan ah shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee ka soconaya Magaalada Jowhar.
Dhanka kale kulankii Todobaadkii aynu soo dhaafnay yeeshteen xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan kadib markii tiro xildhibaano ah dalbadeen in ajendaha kulanka laga saaro mooshinka shirka Jowhar.

