Isqab-qabsi dhanka Maamulka ah oo ka jira Deegaanka Xawaadleey Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Isqabqabsi dhanka maamulka ah oo u dhexeeya guddoomiyaha hadda haya xilka deegaanka Xawaadleey  iyo xubno kale oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda halkaasi ayaa lagusoo waramayaa in ay ka taagantahay deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah Tuulooyinka hoos-taga Magaalada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha deegaankaasi oo lagu Magacaabo Cabdulle Macaan Adeer oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in hadda deegaankaasi ay qas ka wadaan xubno uu sheegay in aysan lahayn hadaf maamul oo ujeedkoodu uu yahay sida uu hadalka u yiri in ay dhibaato iyo qalaaanqal siyaasadeed ay ka dhax-abuuraan dadka shacabka ah eek u nool deegaanka Xawaadleey ee shabeelaha dhexe.

Waxaa uu sheegay in arintaan ay tahay mid aameyn xooggan ku yeelatay howlihii deegaankaasi,islamarkaana uu u gudbiyey masuuliyiinta Maamulka gobolka shabeelaha dhexe ayna ku ballansanyihiin in maalmaha soo socda deegaanka gaaraan xubno ka tirsan Maamulka gobolkaasi,kuwaasi oo doonaya in ay arintaan xalkeeda keenaan sida uu yiri.

Dhinaca kale Guddoomiyaha deegaanka Xawaadleey ee gobolka shabeelaha dhexe waxaa uu sheegay in arnkaan uusan ahayn mid loo dulqaadankaro isagoo intaa raaciyey in ay tallaabo sharci ah ay ka qaadayaan ciddii arintaan ku lug yeelata deegaankana uu ka jiro hal maamul oo uu isagu madax uu ka yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here