Gen Gaafoow:- Waxaa La Qabtay 11 Dhallinyaro ah oo Doonayay in ay Tahriibaan

0

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C.laahi Gaafoow, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen 11 dhallinyaro ah oo doonayay in ay tahriibaan, kuwaasi oo qorsheynayay in ay sii maraan wadanka Kenya.

“Waxaa saakay qabanay 11 dhallinyaro ah waxa ay rabeen in ay kabaxaan garoonka aadan cadde kadibna dalka Kenya ay ka sii tahriibaan oo ay naftooda qatar galiyaan, hoggaankana arrintaan xil ayaa ka saaran mana ogolaan doono in dad tahriib u socda ay garoonka ka dhoofaan”ayuu yiri Gen Gaafoow.

Sidoo kale Generaal C.laahi Gaafoow waxa uu tilmaamay in dowlada soomaliya gaar ahaan waaxda Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha soomaliya ay ka hortagayso arrimaha tahriibka xili shalay ay dowlada soomaliya ay joojisay fiisihii lagu Tagi jirey dalka Suudan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here