Shir Loogu Hadlaayay Horumarinta Amniga Dalka oo Muqdisho Lagu Qabtay

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya lagu qabtay Shir ku saabsan horumarinta amniga dalka

Shirka waxaa shir Gudoominaayay Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte waxaana ka qeyb galay Wasiirkada Difaaca iyo Maaliyadda ee Xukumadda, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, Britain, Talyaaniga, Turkiga iyo diblomaasiyiin  kale, ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saaray horumarada xagga amniga ah ee ka jirta Soomaaliya.

shirka oo ah mid bile ah ayaa inta uu socday waxaa ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay siyaasadda amniga Qaranka, iyadoo wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen hanaanka siyaadadda amniga Qaranka ee uu soo bandhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte  ahna sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraah ayaa sheegay in shirka intuu socda diirada Lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa  tayenta ciidamada dowlada soomaliya sida Ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka badda.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya waxa ay kormeer howleed ku tegeen dekada Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo shalay ay saameysay mowjado badda ka yimid, waxayna warbixino ka dhageysteen maamulka Dekadda Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here