Maxkamada Ciidamada Ahlu Sunna ee Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa Xukun ku ridey 31 Askari oo Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ay ku qabteen dagaaladii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb 2-dii Bishii Maarso,
Maxamuud Cadaawe Afhayeenka maxkamada ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee ahlusuna, oo warbaahinta la hadlay kadib xukunka lagu ridey askarta uu hogaaminayay Liibaan Madaxweyne ayaa sheegay in Maamulka uu si toos ah ula wareegay hubkii iyo gaadiidkii lagu qabtay dagaaladii Dhuusamareeb ka dhacay.
Askarta ayaa intooda badan lagu xukumay min 3-sano oo xarig ah.
Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa 2-dii Bishii Maarso aynu soo dhaafnay Magaalada Dhuuso Mareeb Ee Gobolka Galgaduud waxa ay dagaal kula galeen ciidamo uu hogaaminaayay Liibaan Madaxweyne oo Horey ciidamada dowlada soomaliya ugu tirsanaa balse ku biiray maamulka ahlusuna.

