Maxamed Cumar Carte:- Waxaan Saraakiisha Amisom kala Hadalnay Falkii ay Ciidamadooda ka Geysteen Buulo Mareer

0

Raisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kala hadlay saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada Midowga Africa ee amisom dadkii saddex maalin ka hor ciidamadooda ay ku dileen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mudane Maxamed Cumar Carte Raisul Wasaare ku xigeenka dalka  ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay saraakiisha Midowga Africa ee Amisom uuna kala hadlay arinta dhacday waxa uu tilmaamay in saraakiisha  amisom ay u sheegeen in arintaan ay jirto isla markaana ay baarayaan qaabka ay u dhacday.

“Waxaan Amisom kala hadalnay falkii ay ciidamadooda ka geysteen deegaanka buulo Mareer, ee Gobolka Shabeelaha Hoose runtii arrinkaasi baaritaano ayaa ku socda, Xukuumadda way  ka xuntahay falkaasi dadka rayidka ah lagu dilay, ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Hadalka Raisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa imaanaya xili Todobaadkaan Gudihiisa Ciimamada amisom ay afar ruux oo gabar 12-sano jir ah ay ku jirtay ku dileen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Xili ay sheegeen in ay ka shakiyeen gaari ay la socdeen.

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here