Madaxweynaha Soomaliya oo Gaaray Magaalada New york ee Dalka Mareykanka+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa magaalada New york ee dalka Mareykanka, Kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, madax ka tirsan dowladda Mareykanka iyo diblomaasiyiin ku sugan Magaalada New York.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada New york ee dalka Mareykanka, Kaga qeyb gali doona shir loogu hadlaayo sidii la isaga kaashan karo isbedelada ku yimaada cimilada dunida iyo sida loo wajahaayo.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud intuu ku sugan yahay Magaalada New york ee dalka Mareykanka, Waxa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuuliyiin ka tirsan dowlada mareykanka iyo madax ka qeyb galaysa shirka loogu hadlaayo cimilada dunida.

MG_1481 MG_1481_1 Screen-Shot-2016-04-19-at-3.04.10-AM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here