Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa sheegay in weerarada ay Al-shabaab ee soo kordhay dhawaa nahaan in aysan saameyn ku yeelan doonin doorashada baarlamaaniga ee dalka ka dhaceyso sanadkaan.
Madaxweynaha oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in doorashada lagu qaban doono magaalada madaxyada maamulada dalka ka jira iyo caasimada soomaaliya.
Waxaan sameyn karnaa wax badan oo aan uga gudbi karno xaaladaha adag ee nooga imaanaya dhanka Al-shabaab ayuu yiri madaxweyne xasan sheikh maxamuud.
Xasan sheikh ayaa sheegay in soomaaliya ay noqon doonto dal dagan oo xasilooni iyo daganaasho ay ka dhalato sanadaha soo socda.

