Dhageyso:- Dowlada Soomaliya oo Joojisay Fiisihii Lagu Tagi jiray Dalka Sudan

0

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Generaal c/laahi Gaafoow Maxamuud oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la joojiyay fiisihii lagu tagi jiray dalka Sudan kadib markii ay sii kordheen dadka Tahriibka ah ee tagaya Sudan kadibna Masar iyo Liibiya uga sii gudbaya.

Mudane C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in sanadihii dambe ay jireen dhalinyaro soomaliyeed oo ka baxay dalka Soomaliya, isla markaana gaaray dalalka sudan, Libiya iyo Masar qaarkoodna ku dhintay badda isku xirta dalalka Talyaaniga iyo Masar,

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Gaafoow ayaa ugu baaqay madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay u istaagaan wacyigalinta dhalinyarada soomaliyeed. Si meesha loogu saaro tahriibka.

Hadalka Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Generaal c/laahi Gaafoow Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay dowlada soomaliya shaacisay in ugu yaraan 200- oo  soomali ah ay ku dhinteen badda Masar iyo Talyaaniga isku xirta xili ay doonayeen gaarista wadamada Yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here