Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa ku eedeeyay madaxda Dowlada soomaliya in ay ku fashilmeen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
C/laahi Goodax Barre oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in dano gaar ah laga leeyahay arrimaha shirka maamul u sameynta Hiiraan Iyo shabeelaha dhexe wuxuu sidoo kale tilmaamay xildhibaanka in muddo yar lagu dhisi karo maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
“Arrimaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe dano gaar ah ayaa laga leeyahay madaxda dowlada soomaliya waxa ay doonayaan in ay taageero ka helaan labada Gobol xiliga doorashada ayuu yiri xildhibaan Goodax.
Sidoo kale Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa ka hadlay odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaliya ee dhawaan gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si ay ugu qeyb galaan shirka Jowhar ka Furan.
Waxa uu tilmaamay in aysan matalin odayaasha Jowhar ku sugan dhamaan qaabaa’ika Gobolka Hiiraan jowharna ay ku joogaan laaluush iyo in qabiilada ay kasoo jeedan loo balan qaaday xilal aan micno ku fadhinin waa sidoo hadalka u dhigay Xildhibaanka.
Hadalka Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka ayaa kusoo beegamaya xili Tiro xildhibaano ah ay Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya u gudbiyeen mooshin ka dhan ah shirka Jowhar inkastoo kulankii shalay looga doodi lahaa arinta mooshinka uu kusoo dhamaaday saxan iyo Buuq.

