13-ruux oo Loo Heysto Weerarkii Daallo Air Line oo La Horgeeyay maxkamadda +Sawirro

0

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee dowlada Soomaliya ayaa Maanta u Fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heysto 13 qof  oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 2-dii bishii February lagu qaaday mid ka mid ah diyaaradaha Daallo Airlines,

Eedeysanayaasha, ayaa waxay isugu jiraan Saraakiil ka tirsanaa laamaha ammaanka ee Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, hawlwadeeno, garab rarato iyo dad kaloo loo haysto abaabulka weerarkaasi.

Laamaha amniga dalka ayaa la sheegay in ay soo gaba-gabeeyeen baaritaano lagu sameenayay dadkaan la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday mid kamid ah diyaaradaha Daallo Airlines, xili ay ka duushay Garoonka Muqdisho.

Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa wuxuu dhageysiga eedeynayaasha ka dib uu ku dhawaaqay in Maxkamaddu ay xiran tahay. Dib la iskugu soo laaban doono maalmaha soo socda.

max5 max3 max2 max-1 146107728130663

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here