Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee xukuumada soomaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya waxa uu kula Kulmay Safiirka Sweden ee soomaliya H.E. Mikael Lindvall,
Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dhaqangelinta Istraatejiyada warbaahinta dalka, xeerka saxaafada iyo horumarinta warbaahinta dalka oo ay ugu horreyso sare u qaadista aqoonta suxufiyiinta Soomaliyeed,
Kulanka kadib waxaa warbaahinta si wadajir ah ula Hadlay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee xukuumada soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Safiirka Sweden ee soomaliya H.E. Mikael Lindvall,
Ugu horeyntii Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee xukuumada soomaliya ayaa dowlada Sweden ugu Mahadceliyay Taageerida Hagar la’aanta ay laga garab taagan tahay dowlada dhexe ee soomaliya wuxuu ka codsaday dowlada Sweden in lasii labo jibaaro taageerida dowlada soomaliya.
Dhanka kale H.E. Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ee Soomaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee xukuumada soomaliya Maareeye iyo dadaalkiisa ku aadan horumarinta warbaahinta soomaliya wuxuu tilmaamay safiirka in Istraatejiyada Warbaahinta Soomaaliya ay muhiim u tahay sidii warbaahinta dalka loo horumarin lahaa, sanadaha soo socda.

