Macalinka kooxda Beyer Munich Pep Guardiola ayaa sheegay In uu rajeenaayo soo laabashada Daafaca reer germany ee Jerome Boateng balse uusan ciyaarin doonin lugta Hore ee kulanka Champions League ee ka dhacaya Garoonka Magaalada Madrid.
Daafaca heerka caalami ee xulka dalka Germany Jerome Boateng ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhaawac kaga maqnaa kooxda waxa ay kooxda tawday baahida daafaca dhexe ee kooxda madaama xidigaha kale oo isku boos ahaayeen ay horey dhaawac u ahaayeen.
“waxa uu dhaawac ku maqnaa muddo 3-bilood ma qiyaasi karo in uu ciyaari karo kulanka Champions League iyo in kale ayuu warbaahinta u sheegay macalin Pep Guardiola.

