Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay halkaas ku weerareen 3-ruux oo watay gaari noocada raaxada ah.
Warar is qilaafsan ayaa kasoo baxaya weerarka wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen dadka la wareeraray askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya halka warar kale ay sheegayaan in ay ahaayeen dad shacab ahaa.
Dableydka falka geysatay ayaa la sheegay in gaari ay ku horgeeyaan isla markaana ay rasaas xoogan ay ku fureen sida goob-googayaal inoo sheegeen oo goobta ku sugnaa.
Dhanka kale ciidamada dowlada soomaliya ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen soo qabashada gaarigii lagu fuliyay falka dilka balse gaariga lasoo qabtay ayaa qarxay xili uu marayay xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo ragii gacanta lagu soo dhigay.
la soco wixii kusoo kordha warkaan.

