Raisul wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay  Madaxweynaha Dalka Algeria.

0

Raisul wasaaraha soomaaliya Mudane cumar cabdi rashiid cali sharmaake ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha  dalka Algeria Mudane Abdelaziz Bouteflika .

Kulanka raisull wasaaraha soomaaliya iyo madaxweynaha dalka Algeria oo dhinacyo badan looga wada hadlay ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka turkiga.

Waxaa kaloo raisul wsaaraha soomaaliya cumar cabdi rashiid  uu kulamo la qaatay wasiirka arrimaha dibada dalkaasi iyo maal gashiga caalamiga ah Ramtane Lamamra.

Raisul wasaaraha soomaaliya ayaa kulanka ka warbixiyey isagoona sheegay in masuuliyiinta uu la kulmay ay ka wada hadleen dhinacyada hormarka, siyaasada iyo iskaashiga amaanka ee dalalka soomaaliya iyo Algeria.

raisull wasaaraha soomaaliya  ayaa ka qeyb galay shirka iskaashiga islaamka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Istanbul ee dalka turkiga.

Shirkaasi waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 50 dal oo kuwa islaamka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here