Wararka Saaka oo jimco ah ka imaanaya deegaanka Yarmoog oo 25-Km u jira Magaalada Baladweyn ayaa kusoo waramaya in saaka xaalku uu daganyahay kadib markii dagaallo xooggan halkaa ay ka dhaceen shalay kuwaasi oo u dhexeeyey Ciidamo maleeshiyo ah oo kala taabacsan beelo halkaa wada daga.
dagaalkii shalay bilowday ayaa lagusoo waramayaa in uu soo gaaray ilaa xalay fiidkii waqti dambe,waxaana uu sababay qasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan,Odayaasha iyo xgaradka Gobolka Hiiraan ayaa tan iyo Markii dagaalku dhacay waday dadaallo lagu qaboojinaayo dagaalka halkaa ka dhacay.
Walina waxaa is hor fadhiya maleeshiyaadkii dagaalamay walina ma muuqato cid si rasmi ah ugu guuleysatay in ay kala qaadaan dhinacyada.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka deegaanadaas nagasoo gaarayo ayaa sheegaya in xaalku dagganyahay mararka qaarna la maqlaayo rasaas goos goos ah.

